Information på somaliska
Sida u isticmaali lahayd maktabada wakhtiga xagaaga
Härnösand maktabadeeda ayaa dib loo dhisayaa wakhtiga u dhaxeysa 13 juun ilaa 21 agosti. Tasoo micnaheedu yahay in aanad tagi karin ama booqan karin maktabada dhexe wakhtigaas. Halkan waxaa ka helaysaa warbixin ku saabsen sidaa maktabada u isticmaali karto qaab kale wakhtigan xagaaga
Booqashada maktabada
Wakhtigaas dhexdeeda waxaa furan laba maktabadood oo ku yaala kamuunka. Maktabadahan waxay ku yaalan Viksjö iyo Ramvik waxaadna ka amaahan kartaa buugagta caruurta iyo dadka waawayn. Waxay leeeyihiin meel lagu shaqeyo , kompuyuutar, waana macquul in lasoo saaran karo warqadaha, qadka intarnetka wala isticmaali karaa iyo meel caruurta lagu ciyaarso.
Maktabada waxaa jooga shaqaalo wakhtiyadan:
Maktabada Ramvik
Isniin 10.00–12.00, 13.00–15.00
Salaasada15.00–18.00
Maktabada Viksjö
Arbacada 15.00–18.00
Khamiista 10.00–12.00
Halkan waxaa ka helaysaa warbixinta wakhtiyada la furayo iyo macluumadka maktabada Ramvik iyo sida lagu tagayo Ramvik.
Halkan waxaa ka helaysaa warbixinta wakhtiyada la furayo iyo macluumadka maktabada Viksjö iyo sida lagu tagayo Viksjö.
Wakhtiga dheeradka ay furan yihiin
Ma ogtahay in hadii aad 18 sanno ka wayntahay aad gali karto maktabada Ramvik iyo Viksjö marka ayna shaqaaluhu joogin? La kaalay maktabada kadhka aqoonsiga si aad u sameysato kadhka aad ku gali karto marka ayna shaqalo joogin oo sameynaya inaad gali karto shaqaalo la,aan maktabada Ramvik iyo Viksjö oo aad deyn san karto buugagta marka rabtid adigu.
Halkan ka akhri wakhtiga dheeradka ah ay furanyihiin.
Deynta/amaahda buugagta
Marka laga reebo inaad ka deynsan karo ama amaahan karto buugagta maktabada Ramvik iyo Viksjö waxaan haynaa oo kale kabadh buugagta oo ku yaala xarun dhexaadka Härnösand meeshaas ood ka deynsan karo bugaagta kadibna ku celin karto marka akhriska dhameyso. Waxaa jira xarumo badan oo ku yaala magaalada ood ka deynsan karto buugagta wakhtiga xagaaga.
Qariirada meelaha laga deynsan karo ee ku yaala kamuunka halkan ayaad ka arki kartaa.
Macluumadka ku saabsan xaruumaha/fagaaraha xagaaga halkan ayaad ka arki kartaa
Markaad waydid buugagta aad rabto
Ma laadahay buugag aad rabto inaad akhrido? Gal webbka kayaga oo noo sheeg buugagta rabto inaan soo iibino.
Halkan noogu reeb waxaa rabto inaa soo iibino
Ku akhri si dhijitaal ah
Waxaan haysanaa siyaabo badan oo aad uga akhrin karto buugagta sida mobilkaga, kombuutarkaga amd ipadkaga.
Halkan ku dhufo si aad u aragto qadka maktabadayada.
Caruurta waxaa jira app la dhaho Bibblix. Halkaa waxaad ka amaahan kartaa buugagta caruurta ood uga akhrin kartaa ipadka ama mobilkaaga.
Warbixin dheerad ah oo ku saabsan Bibblix gal halkan
Dadka waawayn iyo carruurta waxaa jira buugaag badan ood deynsan karto ood ku akhrin karto bilaash maktabada aduunka ( Världens bibliotek).
Halkan ka akhri maktabada aduunka
Ma rabtaa inaad akhrido jaraayido ama wakhti qoraha aduunka dhan? Markaa waxaad isticmaasha Pressreader. Ku xidh mobilkaga ama ipadka #Harnosand Free Wifi ( internetka bilaashka ah) kadibna so dajiso appka pressreader. Marka furayso waxaad ku xidhaysaa internetka friga ah ee kamuunka waxaadna isticmaali karta ama akhrin kartaa 3 maalin ood ku isticmaali karto meesha rabto
Ka akhri wixii intaa dheer ee Pressreader halkan
Daawo filimka
Waxaan haysanaa lama meelood oo adeegyada filimada ah oo aad ka deynsan karto filim waxaadna ku qaadan kartaa kaadhka lagu amaahdo iyo pin kudhkaaga. Waxaad daawan kartaa afar filim bishii marka lo eego adeega filimada.
Wixii intaa dheer ee ku saabsan adeegada filimada halkan ka eeg
Deynso kombiyuutar oo daabac, koobi iyo sawir
Xarunta adeegga waxaad ka amaahan kartaa kombuyuutar aad ku fuliso hawlahaaga. Waxa kale oo aad heli kartaa caawimo daabacaada, koobiyaynta iyo sawirida dukumentiyadaada.
Xarunta adeegga waxay furanyihiin malimaha isniin ilaa jimcaha sacadda 8.00 ilaa 16.30.
Halkan ka akhri warbixin intaa dheer oo ku saabsan xarunta adeega iyo meesha ay ku yaalan xagaaga.
Ka la xidhiidh shaqaalaha maktabada
Nagala soo xidhiidh hadaad suaal qabto ama no soo dir emayl.
Ring till oss med dina frågor, eller skicka ett mail.
Telefonka
0611–865 97
Sacadaha na soo wici karto
Isniin 10.00–12.00, 13.00–15.00
Talaadada 15.00–18.00
Arbaca 15.00–18.00
Khamiis 10.00–12.00
Emaly
bibliotek@harnosand.se