Om Bokstart på somaliska
Sii dhamaan caruurta goob buugaag
Qeybta bilaabida akhrinta buugta ee caruurta waxay idinku dhiiri galinaysaa akhrinta yeeriska, heesida, eray ku celcelinta, u heesida caruurta iyo inaad la sheekasatid cunugaada. Qeybta bilaabida akhrinta buugta ee caruurta Härnösand waa iskaashi wadashaqeyn oo ka dhaxeysaa maktabada, waaxda caafimaadka ee caruurta, xannaanooyinka iyo qoysaska. Anagoo isku duuban ayaa caruurta wax wanaagsan u qaban karnaa.
Waxaa heli doontaan buugaag badan oo hadiyad ilaa intuu cunugaadu gaarayo 3 sano. Maktabada way kula soo xiriiraysaa och waxay idiin soo bandhigaysaa fursad ay gurigiina kusoo booqato markuu cunugu gaaro 6 bilood. Soo baaqashada guriga waxay fursad idiin siinaysaa inaad suaalo waydiisaan shaqaalaha iyo inaad talooyin heshaan. Isla xiligaa waxaa heli doontaan bugaagta ugu horeysa oo cunuga loosiinayo hadyad ahaan. Waaxda caafimaadka ee caruurta waxay cunuga siin doonan buug markuu uu cunugu jiro 8 bilood, xannaanada ama waaxda barbaarinta carruurta iyo maktabadana markale ayey siinaya cunuga buug xiliga uu xannaanada bilaabayo iyo maalinta 3 sano uu gaaro.
Waxaad isku tilaab ku xariiqda qeybta sare ee warqada foomka oo aad u ogolaanaysaa in macluumaadkiina ay kaydin karto maktabada mudada uu cunugaadu ka qeybgalayo Bokstart Härnösand oo ah qeybta bilaabida buug akhrinta.